Somali News

Dhalinyaro laga keenay dalka Liibiya oo maanta Muqdisho laga soo dajiyay

Muqdisho-KNN-Ilaa 14 dhalinyaro Soomaaliyeed oo mudo ku jiray xabsiyada dalka qalalaasuhu hareeyeen ee Liibiya ayaa maanta laga soo dajiyay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Dhalinyaradaan oo tahriib ku marayay wadanka Liibiya ayaa waxa ay gacanta u galeen kooxo magafayaal ah, kuwaasi oo mudo badan madax furasho u heystay.

14’kaan wiil ayaa sheegay in ay ka kala tahriibeen magaalooyinka Muqdisho, Hargeysa Jigjiga, Garowe iyo magaalooyin kaloo Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal u gashay sidii dalka Liibiya looga soo samata bixi lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan.

Ambassador Maryan Yaasiin oo ah Ergayga gaarka ah ee xaquuqda Caruurta iyo Tahriibayaasha ee xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa dadaal dheer ka dib ku guuleysatay in ay dhalintaas dib ugu soo celiso dalkooda hooyo.

Dhalinyarada oo qaarkood la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa shegay in ay ka soo bexeen nolol mugdi ah islamarkaana ay aad ugu faraxsanyihiin in dalkooda dib loogu soo celiyay iyagoona u mahad celiyay dowladda Soomaaliya oo ay sheegeen in ay dadaal ku bixisay soo deyntooda.

Dalka Liibiya ayaa waxaa ku xiran dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed, waxaa hada dalkaasi ka socda dagaalo sokeeye oo ay ku hardamayaan dhinacyada dowladda caalamku aqoonsanyahay iyo xoogag uu hoggaminayo General lagu magacaabo Khaliifa Hafter.