Somali News

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qarax goor dhaw ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Degmada Waaberi ee gobolka Banaadir waxaa goor dhaw ka dhacay qarax sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, gaar ahaan wadada 21-ka October.

Qaraxa oo loo adeegsaday miino nuuca dhulka lagu aaso ah ayaa lala beegsaday gaari Saruf ah oo marayey inta u dhaxeysa xerada ciidanka cirka iyo Schoolka 21-ka October ee degmada Waaberi.

Inta la xaqiijiyey hal qof ayaa geeriyooday mid kalena dhaawac ayaa soo gaaray, sida ay noo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Weli lama ogaan cida wadatay gaariga uu qaraxu haleelay, waxaana goobtaas gaaray ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya, waxayna xireen isu-socodkii goobta.