Somali News

Dhismaha Xarunta B/Hirshabelle oo istaagtay.

Jowhar-KNN-Dhawaan ayey ahayd markii la bilaabay dhismaha xarunta barlamanka maamulka hirshabeelle oo uu dhagax dhigay sanadkii hore R/wasaaraha xukuumada somaliya mudane xasan cali kheyre balse waxaa istaagtay howshii dhismaha ahayd oo lagu waday xarunta barlamanka maamulka hirshabeele kidib markii al shabaab ay ka joojiyeen qalabkii dhismaha oo laga keenayay magaalada muqdisho isla markaana lasoo marsiinayay wadada.

Bishii hore ayey al shabaab gubeen ilaa laba gaari oo qalab dhisme usoo waday xarunta barlamanka ee dhismaheeda la bilaabay waxaan kidib ay amar siiyeen dadka leh gawaari waa weyn ee xamuulka qaada oo lagu amray ineysan qalab usoo qaadi Karin xarumaha loo dhisayo dowlad goboleedka hirshabeele.


Mid ka mid ah dadka leh gaadiidka waa weyn ee xamuulka qaada diidayna in magaciisa iyo codkiisa loo adeegsado warbaahinta sababa amni awgeed ayaa idaacada kulmiye u xaqiijiyay amarka kaga yimid al shabaab waxaana uu sheegay iney diideen howshaas.


Labadii maalin ee lasoo dhaafay waxaa jowhar ka taagneyd hadal heynta la xiriirta sababta loo joojiyay dhismaha xarunta barlamanka oo iyadaba mar dhaw la bilaabay.

Goobta laga dhisayo xarunta barlamanka waxaa horay ugu yaalo dhisme ay ku shaqeynayeen maxkamadaha dagmada iyo tan gobolka baldoosaro ayaa la giliyay si loo bur buriyo dhismayaashii inta badan dhismayaasha waa uu bur buriyay balse iyadoo qeyb ay u dhimantahay ayuu ka tagay sida ay tilmaameyso xog hoose oo ay heshay idaacada kulmiye al shabaab ayaa taleefan kasoo wacay darawalkii baldoosarka kuna amray inuu joojiyo howsha.

Mas uuliyiinta maamulka hirshabeele oo xiligan ka wada maqan magaaladii caasimada u ahayd ee jowhar ayaanan ka hadlin joojinta dhismaha xaruntii barlamanka.

Xubno ka tirsan maamulka gobolka sh dhexe oo aan la xiriirnay si aan wax uga weydiino arimahan kaliya waxa ay sheegeen in la waayay gaadiidkii muqdisho ka keeni lahaa qalabka dhismaha lagu wadi lahaa.

Sidoo kale waxaa joogsaday dhismo ku socday Madaxtooyada Hirshabeele iyo Xarunta wasaaradda Maaliyadda ee maamulkaasi sabab la xiriirta Shabaab oo amray sida ay ilo wareedyo ku warameen.