Somali News

Dib u dhac ku yimid xafladdii caleemo saarka Axmed Madoobe.

Kismaayo-KNN-Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dib u dhac uu ku yimid caleema saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe).

Munaasabadda caleemo saarka Axmed Madoobe ayaa lagu waday in 26-ka bishaan lagu qabto magaalada Kismaayo oo xarun ku meel gaara u ah maamulka Jubbaland.

Guddigii loo xilsaaray qaban qaabada xafladaas ayaa waxaa la sheegay in ay dib u dhigeen xilliga xafladdu ay dhaceyso, inkastoo aan wali si rasmi ah loo shaacin dib u dhaca xafladda caleemo saarka Axmed Madoobe ayaa xog ay heshay KNN waxay sheegaysaa in guddigu uu dib u dhigay oo loo asteeyay bisha nasoo aadan.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta xariyaad dheeri ah oo dhanka hawada ah waxa ay kusoo rogtay magaalada Kismaayo, iyadoo sheegtay in mudo seddax maalmood ah aysan wax diyaarad ah ka dagi karin magaalaada Kismaayo.

Sababta ugu weyn ee dib dhaca ku keentay xafladda caleemo saarka Axmed Madoobe ayaa lagu sheegay in ay tahay xayiraada seddaxda maalin ah ee dowladda Soomaaliya ay saartay Kismaayo.