Somali News

Dibad baxayaal careysan oo Safaarada Mareykanka ee Ciraaq dab qabadsiiyay

Kumanaan kun oo  dibadbaxayaal ah ayaa gudaha u galay xarunta safaarada Mareykanka ee caasimada Ciraaq Talaadadii maanta  iyadoona caasimada baqdaad xaalad kacsanaan ah laga soo sheegayo.

Dibad baxeyaasha ayaa waxaa marka hore ay isku dayeen in ay xoog ku galaan mid kamid ah irdaha safaarada ee sida aadka ah loo ilaaliyo waana ay u suuro gashay iyaga oo dab qabadsiiyay qaybta soo dhawaynta ee safaarada.

Rabshadaha ka dhashay isu soo baxa ayaa waxaa dhaawacyo ay kasoo gaareen sadax askari oo u dhashay dalka maraykanka waxaana ay saarnaayeen saqafka sare ee goobta dabka la qabad siiyay.

Goob joogeyaal ayaa xaqiijiyay in Nin cod dheer ku hadlaya uu dadka isu soo baxa sameeynayay ku dhiiri gelinyay dadka inay soo galaan xarunta, isagoo leh: “Fariinta waa la diray.”

Safiirka Mareykanka ee Ciraaq iyo shaqaale kale ayaa laga daad gureeyay safaaradda iyadoo la geeyay goob amaankeeda la xaqiijiyay.

Warar hor dhac ah ayaa waxaa ay tibaaxayaan in banaanbaxeyaasha ay ka caraysan yihiin  weerarada dhiaca cirka ee Mareykanka oo ay ku dhinteen 25 dagaalyahan oo ka tirsan kooxda Shiicada ah ee Iran ay taageerto ee toddobaadkan ka dhacay Ciraaq.