Somali News

Dil ka dhacay halka loo yaqaan Beerta Jaadka

Muqdisho-KNN-Labo ruux ayaa dhimatay halka mid kalana uu dhaawacmay halka loo yaqaan Beerta Jaadka, kadib markii uu dadkaa rasaas huwiyay nin hubeysan.

Dadka dhimashada iyo dhaawacu soo gaaray ayaa la sheegay in ay ahaayeen ganacsato qaad ku iibnayay Suuqa beerta Jaadka ee degmada Hodan, shaqaaqadan ayaa timi ka gadaal markii nin bastoolad ku hubeysnaa oo isku dayay inuu xoog ku qaato qaadkii la iibinayay, isqabqabsi kadibna rasaas ayuu furay.

Dadka Suuqa ku sugnaa xilliga ay wax dhacayeen oo la hadlay KNN ayaa sheegay in ruuxii dilka iyo dhaawaca geystay uu isaga baxsaday halkii ay wax ka dhaceen