Somali News

Dil ka dhacay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Askariga ka tirsan ciidanka dowlada ayaa la sheegay inuu maanta dilay wiil mooto Bajaajle ah,kadib markii uu muran soo kala dhex galay, waxaa uuna dilka ka dhacay Xaafada Faanoolle ee Degmada Kaaraan.

Dadka deegaanka ayaa KNN u sheegay in askariga markii uu dilka geystay uu galay guri ku yaala degmada Kaaraan.

Intaa kadib waxaana guriga uu galay askariga isku gadaamay Ciidamada amaanka degmadaasi.

Ciidamada isku gadaamay guriga uu galay askariga dilka geystay ayaa isku dayay una suurta gashay in dadkii ku noolaa gurigaasi oo caruur iyo haween u badnaa ay ka saaraan guriga.

Waxaana la sheegay intaa kadib ay ciidamada amaanka ay toogteen.

Muqdisho ayaa inta badan ka dhaca dilalka Sidan oo kale.