Somali News

Dil ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Wararka naga soo gaaraya degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in halkaa lagu dilay askari ka tirsanaa ciidamada amaanka.

Askarigan ayaa la sheegay in lagu dilay gudaha Suuqa kaaraan , kooxdii dilka geysatay ayaana durbadiiba goobta isaga dhaqaajisay.

Ciidamada amaanka ee degmada Kaaraan ayaa goobta gaaray waxa ayna meesha ka qaadeen meydka askarigii dilka loo geestay.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii ina dhaafay waxa kusoo kordhayay dilalka qorsheeysan ee loo geysanayo dadka ku nool magaalada.