Somali News

Dilal ka dhacay Xadka ay wadaagaan Hiiraan iyo Sh.Dhexe.

Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanaya  Deegaanka Qoryaale ee dhaca dhanka koofureed ee degmada Jalalaqsi ayaa sheegaya in maalmihii dambe ay soo bateen dilalka la xiriira aano qabiilka ee la isku geysto inta u dhexeysa Gobalada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.

Inta la ogyahay 2 labo ayaa lagu dilay deegaanka Qoryaale, kuwaasi dilkooda ku aadanaa aano qabiil.

Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo Siyaasada ee Degmada Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan ayaa KNN u sheegay in labadii maalin ay soo kordheen dilalka ka dhaca deegaanka qoryaale.

Waxaa uu tilmaamay Gudoomiyaha inuu aad ugu xun yahay wixii ka dhacay deegaanka Qoryaale ee Gobalka Hiiraan.