Keydka Sawiradda

Diyaarad 40 sanno ka hor Muqdisho lagu soo afduubtay oo dalkeeda dib loogu celiyay”Sawiro”

Diyaarad ay leedahay shirkadda diyaarada Lufthansa ee laga leeyahay dalka Jarmalka oo Soomaaliya ayadoo afduub ahaan loo wato la keensaday sanadkii 1977 ayaa maanta la geeyay dalka Jarmalka waxaana laga qaaday dalka Brasil oo ay taalay.

Diyaaradaan oo ay koox Afduub ahaan u qabsadeen koox Falastiiniyiin ah ayaa 40 sanno ka hor laga bad baadshay kooxdii afduubatay bishii 18,kii bishii October sanadkii 1977 waxaana hawlgalkii lagu bad baadshay oo ay qeyb weyn ka qaateen ciidamadii gaarka ahaa ee Soomaaliya.

Diyaaradaan oo nooceedu yahay Boeing 737 ayaa markii la qafaalanayay waxay ka duushay magaalo ku taala dalka Spain waxaana ay ku socotay magaalada Frankfurt oo Jarmalka ku taala waxaana kooxdii afduubatay oo Falastiiniyiin ahaa ay lasoo aadeen dhanka Soomaaliya waxaana ay kala soo degeen garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Diyaaradaan oo ay siday diyaarad kale oo weyn oo Rushka laga leeyahay ayaa shalay la geeyay Jarmalka waxaana loo qaaday madxafka Dornier halkasoo dadku u daawasho tagi doonaan.

Diyaaradaan 40 sanno ka hor ayadoo afduub ahaan loo wato Soomaaliya la keenay waxaana laga qaaday hadda dalka Brasil oo ay safarkeedii ugu dambeeyay ku tagtay kuna baaba’day.

Kooxdii qafaalatay diyaaradaas oo 4 ruux ka koobnaa waxaay ku dhinteen hawlgalkii diyaaradaan lagu furtay ee Muqdisho ka dhacay 40 sanno ka hor waxaana hawlgalkaas lagu bad baadshay 86 ruux oo rakaab ahaa.

Kooxdaas waxay dalbanayeen in lasii daayo dad ururkooda ka tirsanaa oo xirnaa.

Aribert Martin oo ka mid ahaa askar gaar ahaa oo dawladii xilligaas ee Jarmalku Muqdisho usoo dirtay si ay hawlgalkii bad baadada uga qeyb qaataan ayaa sheegay inay maanta u tahay maalin weyn  maadaamo uu arkayo diyaarad uu bad baadshay 40 sanno ka hor.

Diyaaradaan oo kooxdii qafaalatay ay haysteen muddo 5 cisho waxay dileen mid ka mid ah duuliyaashii diyaaradda oo la oran jiray Jürgen Schumann.

Haraadiga diyaaradaan hadda kadib waa loo daawasho tagi doona oo waxay noqon doontaa taariikh isha lagu hayo.

Xigasho Wargayska Daily Mail.

W/Tarjumay Burhaan Diini Faarax.

burhandiini@gmail.com