Somali News

Diyaarad ay dalxiisayaal la socdeen oo lagu waayay bariga dalka Nepol

Diyaarad yar oo ay la socdeen 22 ruux oo rakaab ah ayaa la waayay waxyar kadib markii ay ka kacday garoon diyaaradeed oo ku yaala bariga dalka Nepol.

Mas’uuliyiinta saadaasha hawada dalka Nepal ayaa sheegay in diyaaradda la waayay ayadoo 15 daqiiqo uun hawada ku jirta waxaana la socday dalxiisayaal aan la shaacin wadamada ay kasoo kala jeedaan.

Afhayeen u hadlay waaxda socdaalka Nepal ayaa sheegay 19 ruux oo rakaab ahaa iyo 3 qof oo shaqaale ah ay diyaaradda la socdeen hase ahaatee aan illaa hadda la hayn xiriirkeeda.