Somali News

Diyaarad siday in ka badan 50-qof oo la la’yahay

Dalka Indonesia, diyaarad rakaab oo ay la socdeen in ka badan 50 qof ayaa la waayay, waxyar kaddib marki ay ka duushay garoonka diyaaraha caalamiga ah ee magaalada caasimadda ah ee Jakarta.

Diyaaradda oo leedahay shirkadda diyaaradaha ee Sriwijaya nooceeduna yahay Boeing 737 ayaa kusii jeedday magaalada Pontianak ee gobolka West Kalimantan.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegay, in diyaaradda ay lumisay xiriirka, muddo afar daqiiqo ah kaddib marki ay ka duushay Jakarta, dhulkana ay u jirsatay fogaan dhan 10,000 feet.

Wararki ugu danbeeyay ee kasoo baxaya dalka Indonesia ayaa sheegaya in ay u badantahay in diyaaraddani ay hawada ku burburtay, hase yeeshee wali war rasmi ah oo ku saabsan burburka diyaaradda lama hayo.