Somali News

Diyaaradaha xulafada oo gantaal ku dhuftay Bas waday Ciyaal Iskuul dalka Yaman.

Yaman-KNN-Ugu yaraan 29 caruur ah ayaa geeriyooday  kadib markii diyaarada Xufalada uu Sucuudigu hogaaminayo ee dalka Yaman, ay gantaal ku dhufteen  Bas siday ciyaal iskuul.

Baskan ayaa waxa uu marayay bartamaha suuq ku yaalla Magaalada Sacda oo kooxaha Xuutiyiinta ay maamulaan, warkaana waxaa laga soo xigtay hayadda laanqeyrta cas ee Caalamiga ah.

“Waxaan gargaar caafimaad usameeynay 48 qof  30kamid  ahna waxa ay ahaayeen caruur ka yar dad 15-aad” sidaa waxaa lagu qoray barta Twitterka ee ICRC-da Yaman ka howgasha.

Madaxa caafimaadka ee Magaalad Sacda isna wakaaladda wararka reutors waxa uu u sheegay in dhimashadu ay mareeyso 43 qof halka  61 kalana ay dhaawacyo soo gaareen, ka sokoow dadkii ku sugnaa suuqa la duqeeyay dhibaatada ugu badan waxa ay gaartay cayaal Iskuulkii Baska saaraa.