Somali News

Diyaarado dagaal oo duqeeyay Saldhigyo Al-shabaab ku lahaayeen Mudug

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka so baxaya duqeyn xalay diyaarado dagaal ay ka beegsadeen Saldhigyadii Al-shabaab ay ku lahaayeen Koonfurta Mudug.

Hawlgalkan ayaa ka dhacay Saldhigyadii Iskoyska Cadaley iyo Howdka u dhexeeya Caad Iyo Cadaley, halkaas oo ay ku sugnaayeen dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab.

Taliska Ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in khasaare xooggan uu soo gaarey dagaalameyaasha Al-shabaab ee ku sugnaa goobta, walow aan weli la helin tirada rasmiga ah.

Maalmihii la soo dhaafay Ciidamada Xoogga dalka oo iska Kaashanaya dadka deegaanka ayaa howgallo ka waday deegaano ka tirsan Koofurta Gobolka Mudug.