Somali News

Diyaarado Kenya leedahay oo duqeyn ka geystay Gedo

Wararka ka imaanaya  Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, ayaa ku waramaya in diyaarado dagaal oo laga leeyahay Kenya ay duqeymo ka geysteen deegaano hoostagga Degmadaas.

Duqeynta ayaa la sheegay in ay ka dhacday  tuulooyinka  Cosqurun Garsaal. Xisaguur, Dhamas iyo  Likooley oo dhamaantood Hoostaga degmada Ceelwaaq.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in duqeynta ay ku dhamaadeen dhowr Geel ah, waxaana arintan walaac xoogan ka muujiyay dadka deegaanka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dad  badan ay barakac ka bilaabeen deegaanada ka agdhow Degmada  Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ee koofurta dalka Soomaliya.

Ilaa iyo hada lama oga sababta ka dambeysay arintan, mana jorto weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka Jubbaland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Marar badan ayaa waxaa deegaano hoos taga gobolka Gedo duqeymo ka fuliyay diyaaradaha dagaalka dowlada Kenya  waxaana intooda badan lala beegsaday dadka shacabka ah ee ku sugan gobolkaasi.

Dhawaan ayay aheyd markii ciidamada Kenya ay dad shacab ah ku dileen degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo