Somali News

Dooni ay saarnaayeen Tahriibiyaan oo ku degtay xeebaha Liibiya

Muqdisho-KNN-Dooni sidday 20-ruux oo muhaajiriin ah ayaa ku dagtay xeebta dalka Liibiya, halkaasi oo laga helay 3-meyd ah sida ay maalinimadii Jimcaha ku warantay Wakaaladda Wararka ee dalka Talyaaniga.

Wakaaladda Wararka ANSA ayaa  sheegtay in doontaasi oo ka sameysneyd rabar ama caag la buufiyay ay ku degtay meel 50-km magaalada caasimadda Tiribuli kaga beeegan Woqooyi ee badda Mediterranean–ka.

Sadex kale oo saarnaa doontaasi ayaa la soo badbaadiyay, inkastoo la tilmaamay in ay liidato xaaladooda caafimaad.

Ciidamada ilaaliya xeebaha dalka Liibiya ayaa wada dadaal lagu raadinaayo 14-ruux oo muhaajiriin ah oo weli ku maqan badda.

Sanadkii tagay in ka badan 2,240 dad ah ayaa dhintay ama la waayey, iyagoo isku dayaya in ay gaaraan dalalka Yurub sida laga soo xigtay hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga.