Somali News

Doonyo hub sida oo lagu qabtay magaalada Boosaaso

Boosaaso-KNN-Ciidamada Badda Maamulka Puntland ayaa la sheegay in ay soo qabteen doonyo dhowr ah oo uu ku rarnaa hub sharci darro ah oo ku soo wajahnaa barriga Soomaaliya sida ay Saraakiisha Puntland sheegayn.

Ciidamada ayaa howlgal ay ka sameeyeen xeebaha ku teedsan Magaalada Boosaaso waxa ay ku soo qabteen Ilaa 8 doonyood,kuwaasi oo laba kamid ah ay yihiin nooca waa weyn.

Saraakiisha Ciidamada Badda ee maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegeen in Doonyahan loo adeegsan jiray in lagu tahriibiyo dadka .

Saraakiisha maamulka Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ay soo qabteen rag la socday doonyaha la qabtay sharcigana la horgeyn doono sida ay hadalka u dhigayn.