Somali News

Doorashada Guddoomiye ku-xigeenada ee Golaha Shacabka oo maanta dhaceysa

Maanta oo khamiis ah waxaa lagu wadaa in xarunta teendhada Afisyooni ee Muqdisho lagu qabto doorashada Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad & 2-aad ee Golaha Shacabka, xili doorasho saacado badan qaadatay kadib xalay loo doortay Guddoomiyaha golahaas Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Guddiga qaban qaabada doorashada guddoonka Golaha Shacabka ayaa wado diyaar garoow ku aadan doorashada maanta dhaceysa, waxaana ku tartamaya musharixiin dhowr ah oo u taagan xilka ku-xigeenada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in doorashadii xalay ay ka qeyb galeen Xildhibaanadii 16-ka ahayd ee lagu soo doortay degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, balse Xildhibaanadaas qeyb kama aysan aheyn Xildhibaanadii codeenayay, waxaana Xildhibaanada codeeyay uu tiradoodu ahaa 157, mudane kuwaas oo Guddoomiyaha golaha Shacabka u doortay Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Hoos ka Akhriso musharixinta ku tartameysa xilka Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad iyo 2-aad:

Musharixiinta  u taagan xilka Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka:

1: Maxamad Cumar Caana nuug
2: Maxamad Cumar Ceymoy
3: Sacdiya Xaaji Yaasiin
4: Maxamad Nuur Abubakar Shariif Mustafa
5: Maxamad Cabdiqadir Jeego
6: Cabdiraxman Cabduqaadir Cadde
7: Cabdikariin Cabdow Xeydar.

Musharrixiinta u tartameysa maanta Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya:

1: Cabdulaahi Cumar Abshirow
2: Mahad Cabdalla Cawad
3: Maxamad Xuseen Abuukar
4: Asad Cabdirisaaq Maxamad
5: Axmad Aadan Axmad
6: Saciid Maxamad Cali