Somali News

Doorashada Guddoomiye ku-xigeenada Golaha Shacabka oo bilaabatay

Waxaa xarunta teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho ka bilaabatay doorashada Guddoomiye ku-xigeenada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Hoolka doorashada waxaa ku sugan Xildhibaanada Golaha shacabka kuwaas oo gaaraya 197 mudane, iyadoo uu shir guddoon ka yahay guddoomiyaha KMG ah ee golahaas,

Cabdisalaan Dhabancad Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo ka hadlay doorashada maanta dhaceysa ayaa sheegay inay qorsheenayaan in doorashada ay soo gabagabeeyaan inta aysan qoraxda dhicin, isagoo xusay inay jiraan dhibaatooyin soo wajahay oo la xiriirta doorashada guddoonka, balse ay iyagu u bareereen islamarkaana ay rajeynayaan inay guul kusoo dhamaato sidii tii xalay ay qabteen.

Doorashada guddoomiye ku-xigeenka 1-aad waxaa u tartamaya musharixiin gaaraya 8 Xildhibaan, halka Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ay u taagan yihiin musharixiin iyaguna gaaraya 6 mudane oo dhamaantood ka tirsan Xildhibaanada Golaha shacab ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.