Somali News

Doorashada Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo goordhaw bilaabaneysa.

Garowe-KNN-Doorashada ku xigeenka Madaxweynaha Puntland ayaa goordhaw ka bilaabaneysa magaalada Garowe, waxaana hoolka hada ku sugan xubnaha tartanka ugu jira Kursigaasi iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland.

Ilaa 11 musharax ayaa u taagan xilkaan, waxaana ku jira xubnaha tartamaya Madaxweyne ku xigeenka hada xilka ka dagaya, xubno ka socda beesha Caalamka ayaa kor joog ka ah doorashada iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

La soco wixii ku soo kordha.