Somali News

Doorasho qof iyo cod ah oo saakay ka bilaabatay deegaanada Puntland

Maamulka Puntland ayaa markii ugu horreysay maanta qabanaysa doorasho qof iyo cod ah, kaasi oo lagu tartami doono goleyaasha deegaanka Magaalooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn.

52 sano kadib ayaa dadweynaha degmooyinkaasi maanta u dareeray in ay codkooda dhiibtaan.

Dadka ku nool Magaalooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn ee dowlad Goboleed Puntland oo safaf ugu jira in ay codkooda ka dhiibtaan doorashooyinka Gollaha deegaanka.

Ammaanka goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka ayaa saakay aad loo adkeeyay, iyadoona wadooyinka lagu arkayo ciidamo boolis ah oo aad u fara badan, kuwaasi sugaya amniga halka ay ka dhacayaan doorashada golaha deegaanka ee maamulka Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa noqonayo qofka ugu horeeyay ayaa saakay codkiisa dhiiban doono.

Maalmihii ugu dambeeyay, waxaa magaalooyinka ay doorashooyinka ka socdaan lagu qabanayay iskusoo baxyo ay siddeeda urur siyaasadeed ee doorashada ka qeyb galaya isugu diyaarinayaan doorashada.