Somali News

Dowlad deegaanka Soomaalida oo yeelanaya calan iyo magac cusub

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha cusub ee dowlad deegaanka soomaalida  ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay in la badelayo magaca iyo calanka dowlad deegaanka soomaali ,isagoona sheegay in lagu badelayo magaca “Somali state”.

shacabka soomali

Waxaa sidoo kale isna la soo celinayaa calankii ay ku jirtay xiddigta shanta gees ee hore dowlad deegaanka looga isticmaali jiray,kaas oo la sheegay in ay ansixiyeen baarlamankii ugu horeeyey ee dowlad deegaanka uu yeeshay.

Muuqaal kooban oo shir ay yeesheen laga soo duubay ayaa lagu arkaye iyagoo si wadajir ah masuuliyiinta maamulka dowlad deegaanka u qaadaya heesta  “Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku-tiirasanaada.”