Somali News

Dowlada Guatemala oo xoog dalkeeda uga saartay qaxooti doonayay inay galaan Mareykanka

Guatemala City-KNN-Dawlada dalka Guatemala ayaa dalkeeda ka celisay 3,500 oo ruux oo u dhashay dalka Hunduras kuwaasoo doonayay inay si tahriib ah ku galaan Maraykanka.

Warbaahinta dawlada Guatemala ayaa laga daawaday ciidamada dalkaas oo gaadiidka xamuulka qaada saaraya dad badan oo tahriibayaal ahaa.

Dawladu waxay sheegtay in dadkaan oo kasoo jeeda dalka ay dariska yihiin ee Hunduras ay doonayeen inay ka gudbaan xaduuda oo ay u gudbnaan dhanka Maraykanka hase ay ka hor tageen.

Hay’adaha u dooda xaquuqda aadanaha ayaa ku eedeeyay in dawladu awood u adeegsadeen celinta dadkaan magangelyo doonka ahaa.