Somali News

Dowladaha Soomaaliya & Shiinaha oo kala saxiixday mashruuc

Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Balal Maxamed Cusmaan, ayaa shalay oo Isniin ahayd (30 May) ku qaabilay Caasimadda Muqdisho, FEI Shengchao, Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay xiriirka labo geesoodka iyo iskaashi wadaagga ka dhexeeya labada dal iyo labada dad ee saaxiibka ah iyo siyaabaha lagu xoojin karo, laguna qoto-dheereyn karo, waxaa kale oo la isla fallanqeeyay gacan ka geysashada Shiinaha ee dayactirka iyo qalabeynta xafiisyada Wasaaradda Arrimaha Dibadda. 

Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Shiinaha ayaa wada saxiixay dhammaystirka mashruuca dayactirka Wasaaradda, wajigiisa koowaad iyo labaad, iyagoo isla gartay in la dardargeliyo dhammaystirka mashruucda dayactirka qeybaha ka harsan dhismaha Wasaaradda.