Somali News

Dowladda Azerbaijan oo amartay in ay dalkeeda ka baxaan Diblumaasiyiin sare oo Faransiis ah

Dowladda Azerbaijan oo ku amartay in ay dalkeeda ka baxaan Diblumaasiyiin sare oo Faransiis ah

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Azerbaijan ayaa sheegtay in laba diblumaasiyiin Faransiis ah lagu amray inay baxaan sababo la xiriira inay ku xad gudben nidaamka dalkaasi.

Wasaaradda ayaa bayaan ay soo saartay Talaadadii ku sheegtay inay u yeertay safiirka Faransiiska Anne Boillon si ay u muujiso sida ay uga xun yihiin ficilada shaqaalaha safaaradda Faransiiska.

Iyadoo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin, waxay sheegtay in labada qof lagu dhawaaqay in lagu amray inay dalka uga baxaan 48 saacadood gudahood.

Talaabadan ayaa timid iyadoo uu xumaaday xiriirka ka dhaxeeya wadamada Faransiiska iyo Azerbaijan