Somali News

Dowladda Azerbaijan oo diyaarad dagaal kasoo riday wadanka Ruushka.

Diyaarad dagaal oo ay leeyihiin ciidamada milatariga dalka Ruushka ayaa lagu soo riday gudaha dalka Armenia, gaar ahaan meel u dhow xudduudda Armenia ay la leedahay dalka Azerbaijan.

Milatariga dalka Ruushka ayaa sheegay in shilkaasi ay ku dhinteen laba ka mid ah shaqaalaha diyaaraddaasi, halka mid kale uu ku dhaawacmay.

Diyaaradda oo ahayd nooca qumaatiga u kaca ee Mi-24 ayaa gantaal lala helay, kaddibna halkaa ku burburtay.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Azerbaijan ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi, waxaana ay raalligelin ka bixisay dhacdadaasi.

Wasaaraddu waxay sheegtay in diyaaraddaasi ay si khalad ah u toogteen ciidamada Azerbaijan oo ku sugnaa meel u dhow magaalada Nakhchivan.

Arrintan ayaa ku soo beegmeyso xilli dagaal ba’an uu u dhaxeeyo ciidamada Azerbaijan iyo gooni u goosadka reer Armenia.

Ruushka ayaa saldhig milatari ku leh dalka Armenia, waxaana sidoo kale uu xiriir wanaagsan la leeya