Somali News

Dowladda Federaalka oo si kulul uga hadashay warar ay ku sheegtay Been abuur

Muqdisho-KNN-Dawladda Federaalka ayaa ka hadashay War ay ku sheegtay Been abuur oo ay sheegtay in ay baahiyeen qaar ka mid ah Warbaahinta, warkaas oo sheegayey inuu isbeddelay Mowqifka Dawladda ee ku aadan qaddiyadda kiiska horyaalla Maxkamadda Caddaaladda Aduunka ee ICJ.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed oo ah ruuxa u hadlay dowladda, ayaa sheegay in Warkaas uu yahay been Abuur, isagoo ku hanjabay in Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka uu wado Baaritaan  ku saabsan Ilaha Wararkaas Baahiyey.

“Waxaan si cad u beeninaynaa wararka been abuurka ee lagu baahiyay qaar ka mid ah warbaahinta ee lagu sheegay inuu isbeddelay mowqifka Dowladda ee la xiriira qaddiyadda kiiska horyaalla Maxkamadda Caddaaladda Aduunka ee ICJ, Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa baaritaan ku haya ilaha warkaas been abuurka ah baahiyey” Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda CabdiNuur.