Somali News

Dowladda Imaaraadka oo ka hadashay saraakiisha u dhashay dalkaasi ee lagu dilay Muqdisho

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si adag uga hadashay weerar lagu dilay Saraakiil u dhalatay dalkaasi oo ka dhacay xirada Janeraal Goordan ee magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Imaaraadka Carabta ayaa lagu xaqiijiyay in ay geeriyoodeen saddex ka mid ah ciidamadeeda qalabka sida iyo askari ka tirsan Ciidanka Difaaca Baxreyn iyo dhaawaca labo kale.

Imaaraadka ayaa sheegay in la sameyn doono baaritaan la xiriira waxa dhacay, isla markaasna ay sii wadi doonaan tababarka ciidamada Soomaaliyeed.