Somali News

Dowladda Iran oo mar kale diginin u dirtay Israel

Dowladda Iran ayaa diginin mar kale u dirtay Israel, iyada oo ku hanjabtay in ay jawaab adag bixin doonaan haddii Israel weerar aargudasho ah ku so qaadaan gudaha Iiraan.

Madaxweynaha Iran,  Ebrahim Raisi ayaa ka hadlay weerarkii ay xalay ee Gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn loo adeegsaday ee lagu qaaday magaalooyin ka tirsan Israel.

“Haddii Israel iyo xulufadeeda ay isku dayaan in ay soo weeraraan gudaha Iiraan, waxaan bixin doona jawaab ka adag midii hore” ayuu ku yiri Madaxweynaha Iran,  Ebrahim Raisi.

Iiraan ayaa sheegtay in weerarkaasi laga gaaray ujeedadii laga lahaa, isla markaasna uu soo dhammaaday.

Weerarkaasi ayaa Iiraan waxaa ay u adeegsatay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo in ka badan 300 oo gantaal, kuwaasi oo Militeriga Israel ay sheegeen in khasaare badan uusan ka dhalan.