Somali News

Dowladda Kenya oo Xirtay qaar ka mid ah Xawaaladaha Soomaalida ee Nairobi

Nairobi-KNN-Wararka Naga Soo gaaraya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in Booliska Kenya ay xireen qaar ka mid ah Xawaaladaha Soomaalida ah ay ku leeyihiin dalkaasi.

Illaa Shan Xawaaladood ayaa la sheegayaa in Ciidamada Booliska Kenya ay xireen, islamarkaana ay joojiyeen shaqooyinkii ay qaban jireen xawaaladahaasi.

Qaar ka mid ah Shaqaalaha Xawaaladaha ka shaqeeya ayaa xaqiijiyay in Xarumaha Shirkadaha Taaj & Amal ee Magaalada Nairobi ay xiran yihiin, kadib markii Booliska ay yimaadeen oo ay xireen, mana jirta sababta muuqata oo Kenya ay u xirayso xawaaladaha Soomaalida ah.

Ma jiraan Weli wax war ah oo ka soo baxxay Booliska Dalka Kenya.

Dowladdaha Kenya ayaa cadaadis xoogan waxaa ay saaraysaa Soomaaliya, iyagoona kala dagaalamaysa arimaha Dhaqaalaha, siyaasada iyo arimo kale.

Arintan ayaa waxaa ay kor u qaadaysaa khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Dowladdaha Soomaaliya Kenya.