Somali News

Dowladda oo iclaamisay waqtiga la qaadayo imtixaanka dugsiyada sare ee dalka

Muqdisho-KNN-Wasiirka Waxbarashada Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in Bisha May ee sanadkaan la qaban doono Imtixaanka Dugsiyada sare ee dalka.

Waxaa uu sheegay wasiirka in Imtixaanka ay u fariisan doonaan 45-kun oo arday, waxaa uuna ka dalbaday ardayda inay u diyaar garoobaan imtixaanka.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya ayaa digniin u diray Jaamacadaha ka howlgala dalka, waxaa uuna sheegay in arday aysan diiwaan gelin Karin, Kuwaasi oo aan soo galin imtixaanaadka ay qaadeyso Dowladda Soomaaliya.

Ugu dambeyb Wasiirka ayaa waxaa uu kula dar daarmay waalidiinta iney qaataan kaalintooda oo ay ardayda kala shaqeeyaan shuruucda imtixaanaadka.