Somali News

Dowladda oo ka hadashay duqeyn lala beegsaday Al-Shabaab.

Muqdisho-KNN-War ay soo saartay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu faah faahiyay howlgal ka dhan Alshabaab,kaasi oo ka dhacay 6-dii bishan  Koonfurta Soomaaliya,waxaana Alshabaab ka soo gaaray khasaare xooggan.

” ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Mareykanka ayaa bartilmaameedsaday deegaanka Dheerow Sanle oo ka tirsan Koonfur Galbeed,Soomaaliya,waxaana laga fuliyay duqeyn xagga cirka ah,oo lagu beegsanayay Alshabaab.

Lix ka tirsan Alshabaab ayaa lagu dilay duqeyntaasi,iyadoo uu burbur soo gaaray saldhiggii ay halkaasi ku lahaayeen Al-shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa ujeedka howlgalkan ku tilmaamtay mid loogaga hortagayaya Alshabaab kuwaas oo qorsheynayay in ay soo maleegaan falal argagixisanimo ah,iyo cabsi gelinta bulshada deegaanka, waxaana sidaasi lagu yiri qoraalka ka soo baxay Dowladda.