Somali News

dowladda oo sheegtay inay gacanta Ku soo dhigtay keydkii hubka Al-shabaab ee Marka

Muqdisho-KNN-Zakiya Xuseen Axmed Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya oo maanta la hadashay Warbaahinta ayaa sheegtay in Ciidamada amniga ay xalay howlgal ka sameeyeen magaalada Marka ee Gobolka Shabeellada hoose, waxaa ayna sheegtay inay gacanta ku soo dhigeen keyd hub ah oo ay lahaayeen Al-shabaab, halkaas oo ay ka soo saareen 12-xabo Miinooyin oo ah kuwa Anti-Taangiga iyo labaatan Kiilo oo Sunta Qaraxyada laga sameeyo ah.

“Noocyada Miinooyinka ayaa ka kooban labo nooc oo kala ah nooca dhulka lagu aaso iyo midka wadada dhinaceeda la dhigo,argagixisadu waxay doonayeen marka ay bisha Barakeysan ee Ramadaan bilaabato iney ku howlgalaan kuna waxyeeleeyaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka degan Gobolka Banaadir.” ayay tiri Zakiya

Sidoo kale Ciidamada amniga oo kaashanaya shacabka ayaa gacanta ku soo dhigay labo xubin oo Al-shabaab, kuwaasi oo 1-dii bishan April ku dilay degmada Waabari Marxuum Cabdullaahi Cali Macow oo ka tirsanaa askarta ilaalada deegaanka ee loo yaqaano Minashiibiyada.