Somali News

Dowladda oo war ka soo saartay Weerarkii ka dhacay Sh.Hoose.

Muqdisho-KNN-Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ka dhacay deegaanka Daaru-salaam ee Gobolka Shabeellada hoose, kaasi oo ay qaadeen ciidamada Xoogga iyo kuwa Mareykanka.

Wakaalada Wararka soomaaliyeed ee SONNA ayaa dabacday in weerarkaasi lagu dilay 8 dagaalame oo ka tirsan  Al-Shabaab.

Degaanka Daaru-salaam ayaa  Al-Shabaab u ahayd xarun muhiim ah, Waxaana la sheegay in halkaasi ay ku diyaarin jireen Qaraxyo, waxanay sidoo kale u ahayd il dhaqaale oo ay ku uruursan jireen Lacagaha ay ka qaadaan dadka shacabka ah.

“Ciidamada amnigu Soomaaliya ayaa ka mahad celiyay muwaadiniinta wanaagsan ee ka Gacan siiyay dagaalka ay kula jiraan cadawga, waxaana Cadowga ugu tagaynaa goobahooda kana qaadayaan tallaabada ku habboon, ma jirto waxyeello ka soo gaartay Shacabka howl-gallada lagu baacsanayay Al-Shabaab, kaas oo ku soo dhammaaday si guul ah.” ayaa lagu yiri qoraalka SONNA lagu daabacay.