Somali News

Dowladda oo war kasoo saartay Shabaab lagu laayay Sh/Hoose

Muqdisho-KNN-War kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka xoogga dalka howlgal ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose ay ku dileen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Qoraal lagu daabacay wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa lagu sheegay in 30 Al-Shabaab ah ay ku dileen inta u dhaxeysa deegaanada Ceel-Saliini iyo Gedershe ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada ayaa waxaa la sheegay in weerar ay ku qaadeen xarun Al-Shabaab ay ku lahaayeen inta u dhaxeysa labadaas deegaan, waxayna SONNA ku sheegtay qoraakeeda in saraakiisha hoggaaminaysa ciidamadaas ay kasoo xiganeyso in khasaare intaas la’eg ay gaarsiiyeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Talaabadaan ay dowladdu ku sheeganayso in ay dishay tiro intaas la’eg oo Shabaab ah ayaa kusoo aadeysa iyadoo maalmo ka hor deegaanka Ceel-Saliini weerar ay ku qaadeen Al-Shabaab ay ku dileen in ka badan 20 askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, sidoo kalana ku furteen gadiid dagaal iyo hub badan.