Somali News

Dowladda Qatar oo malaayiin doolar ugu deeqday dadka reer Falastiin


Muqdisho-KNN-Dowladda Qatar ayaa sheegtay in lacag gaarayso $480 milyan u direyso dadka Falastiiniyiinta ah ee ku sugan Daanta Galbeed iyo marinka Gaza.

Deeqdan lacagta ah ayaa ku soo beegmaysa xilli Gaza ay ka dhaceen weeraradii ugu dhimashada badnaa tan iyo sanadkii 2014’kii.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaarada Arimaha Dibadda ee dowladda Qatar ayaa lagu sheegay in lacag dhan $300 milyan lagu taageeri doono goobaha caafimaadka iyo wax barashada halka inta soo hartayna lagu bixin doono arimaha gargaarka.

Hogaamiyaha dhanka siyaasada ee Ururka Xamaas Ismail Haniya ayaa aad usoo dhaweeyay talaabada dowladda Qatar,  isagoona u mahad celiyay Amiirka dalkaasi Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani.

Ugu yaraan 25 ruux oo Falastiiniyiin ah iyo afar Yahuud ah ayaa ku dhimatay qalalaasihii ugu danbeeyay ee kadhacay marinka Gaza iyo koonfurya Israel iyadoona ugu danbayn la sheegayo in labada dhinac ay gaareen heshiis xabad joojin ah.