Somali News

Dowladda Shiinaha oo war ka soo saartay doorashadii Mareykanka

Dowladda Shiinaha ayaa u hambalyeeysay Madaxweynaha la dooran ee Mareykanka Joe Biden, kaasi oo ku guuleystay doorashadii 3-dii Nofeembar ee natiijadeedu oggolaan Madaxweyne Donald Trump ogolaan.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Wang Wenbin oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Shiinuhu ixtiraamayo doorashada Shacabka Mareykan.

“Waan ixtiraameynaa doorashada dadka Mareykanka. Waxaan u hambalyeynaynaa Mr Biden iyo Ms Harris, ” ayuu yiri Mr Wang.

Mar uu ka hadlay mowqifka Beijing ee doorashada Mareykankanka waxaa uu yiri.

“Waxaan fahamsanahay natiijada doorashada Mareykanka in la go’aamin doono iyadoo la raacayo sharciyada iyo nidaamka Mareykanka,”.