Somali News

Dowladda Soomaaliya iyo Mucaaradka oo heshiis gaarey

Shir saacado badan qaatay Hotel Decale ku dhexmaray Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo midowga musbarixiinta ayaa heshiis lagu gaarey.

Xukumadda Soomaaliya ayaa aqbashay in  ay raalli-gelin ka bixiso dhacdadii 19-kii bishaan lagu weerar xubnaha midowga musharixiita, xilli ay ka qeyb galayeen banaanbax.

Sidoo kale waxaa loo saaray dhacdadaasi in ay soo baaraan guddi ka kooban lix xubnood oo ka kala socda Dowladda iyo musharixiinta.

Xubnaha dowladda ka socda ayaa waxaa kamid ah guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish,
Wasiirka Amniga Xasan Xundubeey, iyo wasiir ku xigeenka Wasaaradda warfaafinta Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Alcadaala, halka Musharaxiinta ay ka socdaan Daahir Maxamuud Geelle, Cabdiraxmaan Cabdirshakuur, Mustaf Dhuxulow.

Sidoo kale labada dhinac ayaa ku heshiiyay in la joojijiyo bannaanbaxa berrito ee ay ku dhowaaqeen Midowga musharixiinta, waxaana bannaanbaxaasi loo ballamay toban cisho gudahood.

Labada dhinac ayaa waxaa isku afgarteen in la sii wado wada-hadallada la xiriira doorashada.

Heshiiskaan ayaa ku soo aadaya xili weli uu taaganyahay muranka doorashada ee u dhaxeeya dhinacyada siyaasadda Soomaaliya.

Hoos ka akhriso