Somali News

Dowladda Soomaaliya oo beenisay wararka sheegaya in ay heshiis la gashay Itoobiya

Xilli saacadihii la soo dhaafay ay soo baxayeen warar sheegaya in Soomaaliya heshiis dhinaca badda ah la gali doonto dowladda Itoobiya ayaa waxaa warkaasi beeniyay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Cali Maxamed Cumar ah oo ah wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Federaalka Soomaaliya oo qoraal kooban ku soo qoray boggiisa Warbaahinta bulshada ee X ayaa yiri.

“Wararka ku saabsan heshiiska badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya waa kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.”

Isiga oo sii hadlaya ayaa waxaa uu yiri “Soomaaliya waxay ku adkaysanaysaa madax-banaanideeda dhuleed. Waxaan ku baaqaynaa in diiradda la saaro nabadda iyo xasilloonida gobolka.”