Somali News

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay duqeymaha Israa’iil ee Qaza

Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay duqeynta ay Israa’iil ka geysatay Isbitaalka Al-Ahly ee Gaza kaas oo ay ku dhinteen boqollaal Falastiiniyiin ah.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda ayaa lagu yiri “waxaan ugu baaqeynaa Israa’iil in ay ixtiraamto Sharciga Caalamiga iyo xabbad joojin deg deg ah oo shuruud la,aan ah

Dad ka badan 500 oo qof oo u badan haween iyo carruur ayaa ku dhintay duqeynta Xalay ay isra’il la beegsatay cisbitaalka Al-Ahly .