Somali News

Dowladda Soomaaliya oo dalka ka eriday Safiirka Itoobiya

Qaraar ka soo baxay maanta Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa lagu ceeriyay Safiirka Dowladda Itoobiya u fadhiyay Soomaaliya Mukhtaar Maxamed Waare.

Qaraarka ayaa sidoo kale lagu sheegay in la amaray xiritaanka qunsuliyadaha Itoobiya ay ku leedahay Magaalooyinka Hargaysa iyo Garoowe.

Arrintaan ayaa timid kagadaal markii Dowladda Itoobiya ay heshiis iskaashi shalay la gashay Maamulka Puntland.

Itoobiya iyo Maamulka Soomaaliland heshiis horay u dhexmaray ayaa la sheegay in Itoobiyaanka lagu siiyay Xeeb 20Km ah balse arrintaasi ayaa waxba kama jiraan waxaa ka dhigay Dowladda Soomaaliya kaddib qaraar Baarlamaani ah oo la soo saaray islamarkaana saxiixay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.