Somali News

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay qaraxyada ka dhacay deegaanka Laas-gacamey

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday Gawaari laga soo buuxiyay Walxaha qarxa oo lagu weeraray deegaanka Laas-gacamay oo hoos yimaada Magaalada Bacaadweyne ee gobolka Mudug. 

Goobta la weeraray ayaa waxaa ku sugnaa Mas’uuliyiin sare oo uu kamid yahay Madaxweynaha Galmudug iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Soomaaliya. 


Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay qaraxyada ka dhacay deegaanka Laas-gacamay ee gobolka Mudug. 

“Ciidanka Qaranka ayaa fashiliyay Gaari lagu soo xiray waxyaabaha Qarxa oo Al-shabaab saaka ay ku soo weerareen deegaanka Laas-gacamay oo hoos taga magaalada Bacaadweyne, halkaas oo ay ku sugnaayeen masuuliyiin oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay Dowladda Soomaaliya. 

Sidoo kale, qoraalka Dowladda ayaa lagu sheegay in weerarka ay ku dhaawacmeen laba askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga. 

intii lagu jiray howlgalka ka hortaga Gaarigaan ay cadowgu ku soo xireen Waxyaabaha Qarxa.