Somali News

dowladda Soomaaliya oo si kulul uga jawaabtay dalabkii Kenya ee dhageysiga kiiska Badda

Muqdisho-KNN-Dowladda Soomaaliya ayaa diiday dalab ay Kenya kasoo saartay dhageysiga kiiska badda Soomaaliya ee muranka ay galisay Kenya, kaas oo kusaabsanaay in dib loo dhigo waqtiga la dhageysanayo dacwada badda ee hortaala maxkamadda caalamiga ah ee ICJ.

Wasaaradda arimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay aysan aqbaleyn  dalabka ay Kenya ku codsatay in dib loo dhigo waqtiga dhageysiga kiiska badda ee horyaalla maxkamadda, iyadoo sheegtay inay muhiim tahay dacwaddaas in waqtigii maxkamaddu u qabatay loo hoggaansamo.

Kenya ayaa qabta walaac xoogan oo ku aadan inay ku guul dareysaneyso damaceeda badda Soomaaliya.

Shan maalmood kadib oo ku beegan 9-ka bishaan September ayaa qorshuhu yahay inay ICJ bilaawdo dhageysiga dacwadda badda, waxeyna qareenada Soomaaliya ay maalintaas maxkamadda adduunka ka hor jeediyaan cadeymaha muujinaya inay Soomaaliya leedahay biyaha ay Kenya muranka gelineyso.