Somali News

Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay Ciise Tarabuun oo Kenya ay doon-doonayso

Muqdisho-KNN-Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa war kasoo saartay nin lagu magacaabo Cabdiwaaxid Khaliif Cabdi, oo ku magac dheer Ciise Tarabuun, kaas oo saacadihii lasoo dhaafay booliska dalka Kenya ay shaaciyeen in uu yahay madaxa amniyaadka Al-Shabaab gudahana uu u galay dalka Kenya.

War kasoo baxay wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya oo looga hadlayay arinta Ciise Tarabuun ayaa lagu sheegay in ninkaas uu yahay muwaadin Soomaaliyeed oo dhameystay xukun maxkamadeed.

Sida lagu yiri qoraalka kasoo baxay xukuumadda wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya Aadan Isaaq Cali, ayaa sheegay in sanadkii 2017-kii oo Cabdiwaaxid loo xiray eedo la xiriira argagixisnimo ay dacwaddiisa qaadday maxkamadda ku shaqada leh ee Ciidammada qalabka sida, oo markii ay kiiskiisa baartay ku xukuntay 2 sano oo xabsi ah.

“Cabdiwaaxid, ayaa markii uu dhammeystay xabsigii ay maxkamadda military-gu ku xukuntay la sii daayay sida sharcigu qabo, waxaana sii dayntiisa in muddo ah kadib lala socday  dhaq dhaqaaqiisa iyo xaaladaha.” ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, Aadan Isaaq.

“Dowladda Soomaaliya, waxay si cad u muujinaysaa in  Cabdiwaaxid uu yahay muwaadin maray xukum ciqaabeed xabsi laba sano ah, oo ay ku xukuntay maxkamadda militariga Soomaaliya”ayaa lagu yiri warka caawa kasoo baxay dowladda.