Somali News

Dowladda Spain oo xayiraado ku soo rogeysa caasimada dalkaasi

Muqdisho-KNN-Magaalada caasimada u ah wadanka Spain ee madarid iyo sagaal magaalo oo kale ayaa loo qabtay mudo 48 saacadood ah in xayiraadihii horay u saarnaa dib loogu soo celiyo. 

Hogaamiyaasha magaalada caasimada ah ayaa kasoo hor jeeda xayiraadaha cusub balse waxaa arintaasi si wayn uga xumaatay wasaaradda caasimaadka ee dalkaasi Spain.

Wadanka Spain ayaa waxaa dib ugusoo laba kacleeyay xanuunka Covid-19 iyadoona Arbacii oo qura dalkaasi laga diiwaan galiyay in kabadan kow iyo toban kun oo kiis. Iyadoona ku dhawaad shan kun oo kiisas kaas kamid ah laga helay magaalada Madrid oo qura.