Somali News

Dowladda UK oo malaayiin dollar ugu deeqday Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Britain, Rishi Sunak, ayaa ku dhawaaqay 100 milyan oo gini, oo ah ku dhawaad 125 milyan oo dollar, oo loogu talagalay mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Sunak ayaa ku dhawaaqay dhaqaalahan intii lagu guda jiray kulankii uu la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo qeyb ka ah, shirka sugnaanta Cuntada Adduunka ee London.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa carrabka ku adkeeyay caqabadaha hortaagan shacabka Soomaaliyeed iyo dadaalka ay dowladdu ugu jirto sidii wax looga qaban lahaa macluusha la baajiyay 2022-ka, iyo waxyeelada haatan ka dhalatay roobabka dayrta oo keenay dhimashada 50 qof tan iyo bartamihii bishii October.

Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu sidoo kale ka hadlay cunno yarida caalamka, isaga oo muujiyay muhiimada u adkeysiga cimilada.