Somali News

Dowladda UK oo Soomaaliya u soo magacaawday safiir cusub

Muqdisho-KNN-Dowladda Ingiriiska ayaa Soomaaliya u soo magacaabatay safiir cusub, waxayna bedeshay safiirkii hore ee Soomaaliya u joogay Ben Fender.

Haweeneyda loo soo magacaabay safiirka cusub ee UK u fadhi doona Soomaaliya ayaa lagu magacaabaa Kate Foster.

Mrs Kate ayaa la sheegay inay heysato abaalmarinta sare ee UK OBE waxay mudo ka soo shaqeyneysay qeybo kala duwan oo ka mid ah dalka Ingiriiska.

Si gaar ah waxaa la sheegay in haweeneydaan ay waayihii dambe uga shaqeyn jirtay waaxda horumarinta caalamiga ah ee dalka UK.

Mrs Kate waxay bedaleysaa Mr. Ben Fender oo illaa  30-kii bishii Janaayo ee sanadkii 2019-kii ahaa safiirka dowladda Ingiriiska  u joogay Soomaaliya, sidoo kale saameyn muuqata ayuu Ben Fender bilihii dambe ku lahaa siyaasadda Soomaaliya.