Somali News

Duqa Muqdisho iyo guddoomiyaasha degmooyinka gobolka oo shir iskugu yimid, Sawirro:-

Muqdisho-KNN-Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed Filish ayaa maanta guddoomiyay shir ay iskugu yimaadeen guddoomiyaasha 17-ka degmo ee gobolka Banaadir.

Shirkaas ayaa ah mid todobaadle ah ayaa la qabtaa Arbaco kasta, waxaana kasoo qeybgala dhamaan guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo ku xigeenadiisa.

Kulkaan ayaa Arbaco kasta waxaa looga arinsadaa guud ahaan arimaha gobolka Banaadir sida amniga, isla xisaabtanka, arimaha samafalka iyo arimo kale, waxaana sida la sheegay maanta diiradda lagu saaray sidii dib loogu furi lahaa waddooyinka xiran ee Muqdisho iyo arimo ku saabsan canshuuraha laga qaado dadka ku nool magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.