Somali News

Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay madax ka socotay qaramada Midoobe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya, gaar ahaan isuduwaha dhinaca arrimaha beni’aadanimada Mr.Adam Abdelmoula.

Kulankani oo ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiye ku-xigeenada maamulka iyo arrimaha bulshada ee gobolka Banaadir ayaa looga hadlay sidii hey’adaha Qaramada Midoobay ay dowladda hoose Xamar uga caawin laheyd horumarinta arrimaha barakacayaasha, shaqa abuurka, waxbarashada, xoojinta taageerada dhinaca Amniga iyo dib u dhiska Caasimadda.

Kulanka kaddib ayaa waxaa Warbaahinta la hadlay ku xigeenka ergayga gaar ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan isuduwaha dhinaca arrimaha beni’aadanimada Mr.Adam Abdelmoula oo sheegay in maamulka ay ka caawin doono wax u qabashada barakacayaasha.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay madaxda Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ay isla meel dhigeen waxyaabo badan oo dhanka iskaashiga ah.