Somali News

Duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay sanadkan iyo rayidkii ugu badnaa oo wax ku noqday

Muqdisho-KNN-Sida lagu qoray wargayska la yiraahdo Time ee kasoo baxa Maraykanka maamulka madaxweyne Trump ayaa duqeyntii ugu badnayd ka gaystay gudaha Soomaaliya sanadkaan gudahiisa, taas oo ay khasaaro xoogani kasoo gaartay dad shacab ah.

Warbixinta wargeyskaan waxa lagu sheegay in 7-bilood ee sanadkaan ay diyaaradaha dagaalka Maraykanku ka geysteen gudaha Soomaaliya 43 weerar, taas oo ka badan inta weerar ee Mareykanku Soomaaliya ka geystay intii ay jireen xukuumadahii Barack Obama iyo tii ka horeysay ee Goerge W Bush.

Xogtaan waxay sheegaysaa in muddo 10 sano ah laga soo bilaabo 2007-dii illaa 2017-kii ay diyaaradaha Maraykanka Soomaaliya ka geysteen 42 halka sanadkaan oo aan willi dhamaan duqeynta Soomaaliya ka dhacday ay gaarayso 43 weerar.

Hey’adaha u dooda xaquuqda aadanaha waxay sheegeen in bartilmaameedka weeraradaas oo ahaa xarumo Al-Shabab iyo Daacish  leeyihiin haddana ay dadka ugu badan ee ku waxyeeloobay waxaa lagu sheegay inyihiin shacabka ku  nool degaanada Shababku maamulo.

Qoraaladda uu wargeyskaan aanu xiganayno  ee Times uusoo bandhigay waxaa ka mid ah weeraro ka dhacay koofurta Soomaaliya bilihii February iyo July ee sanadkaan kuwaasoo dadka badan ee waxyeeladdu kasoo gaartay ay rayid ahaayeen.

Shaqsiyaadka la xusay waxaa ka mid ah gabar 18 jir ahayd oo lagu magacaabo Nuurto Kuusow Cumar oo ku geeriyootay duqeyn bishii February ka dhacday degmada Jilib waxaana duqeyntaas sidoo kale ku dhaawacmay ayaydeed iyo 2 caruur ah oo la dhashay.

Tan iyo markii uu dunnida sida weyn ugu fiday xanuunka Karoona xog’hayaha guud ee Qaramada Midoobey António Guterres waxaa uu ku dhawaaqay xabad joojin heer caalami ah haddana waxaa muuqanaysa in taliska Maraykanka ee Africom uu dhaqan galin marka loo eego inta duqeyn ah ee Soomaaliya ka dhacday.

Sanadkii lasoo dhaafay Maraykanku Soomaaliya waxaa uu ka geystay 63 weerar taasoo ka dhigan 2019 iyo sanadkaan 2020-ka Mareykanka diyaaradihiisu Soomaaliya ka geysteen 106 weerar.